24/7 Phone Services 0046762678109
gedanetwork@gmail.com korstigen 7 E Borlänge 78452 LH 1001

Shirkii Gogal xarka sameeynta Dallada GEDAN ee ka dhacay Stockholm, Sweden

Waxaa magaalada Stockholm ee wadanka Sweden ku qabsoomay shir saconayay laba maalmood (28.2 – 1.3.2020), oo eey kasoo qeeyb galeen aqoonyahano, siyaasiyiin, iyo xeeldheereyaal reer Galmudug ah oo ka kala yimid Finland, UK, Denmark, Sweden, Holand, Ireland, Germany iyo Turkey. Shirkaas oo lagu gogolxaarayay sameeynta Dallad Guud oo mideeysa Qurbajoogta Galmudug ee Qaarada Yurub.
Waxaa dhamaan wafdigii ka soo qeeybgalay shirka isku afgarteen oo si wadajir ah isugu raaceen in baahi weeyn loo qabo sameynta Dallad guud oo mideeysa xooga, cagliga iyo qalbiga Qurbajoogta reer Galmudug ee ku dhaqan qaarada Yurub. Dalladaas oo noqon doonta mid ahmiyada saari doonto tayeenta iyo kobcinta aqoonta dhalinyarada reer Galmudug ee ku nool Yurub iyo Soomaaliya, mideeynta aqoonyahanada iyo waxgaradka Qurbajoogta reer Galmudug, isku xirka haya’daha ganacsiga, waxbarashada iyo siyaasada ee Yurub iyo Soomaaliya, siiba deegaanka Galmudug, iyo xoojinta wadajirka iyo midnimada shacbi weeynaha Soomaaliyeed meel walba eey joogaan.
Shirka waxaa lagu go’aansaday in magaalada Antalya ee wadanka Turkey lagu qaban doono bisha lixaad (June) kulan guud oo lagu dhisi doono Dallada Qurbajoogta reer Galmudug ee Yurub. Waxaa kulankaa isugu imaan doona oo lagu casuumayaa madaxda ururada reer Galmudug ee ka dhisan wadamada Yurub, aqoonyahanada reer Galmudug ee ku nool Yurub, madaxda Maamulka Dawlad Gobaleedka Galmudug, iyo safaarada Soomaalida ee Turkey.
Waxaa mahad gaar ah leh, Jaaliyada Galmudug ee magaalada Borlänge ee uu hogaaminayay Guddoomiyaha Faarah Aadan Yussuf Iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Hassan Liisho oo kasoo shaqeeysay fulinta shirka iyo abaabulka kulanka lagu dhisayo Dallada Guud ee Qurbajoogta reer Galmudug ee Yurub taasoo lagu qaban doono dalka Turkiga ..