24/7 Phone Services 0046762678109
gedanetwork@gmail.com korstigen 7 E Borlänge 78452 LH 1001

Guddoomiyaha Dalladda Ururada GalMudug iyo wefdi uu hogaaminayo oo gaaray Dusa-Mareeb

Guddoomiyaha Dalladda Ururada Qurba-joogta GalMudug (GEDAN) Xuseen Khadhiib oo safar shaqo ah ku joogay Soomaaliya, ayaa Jimcihii gaaray Magaalada Dusa-Mareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka GalMudug.

Guddoomiyaha qurba joogta Yurub iyo wefdigiisa waxaa soo dhoweyn diirran ugu sameeyay xarunta Madaxtooyada GalMudug Madaxweyne ku-xigeenka GalMudug Cali Ciid, waxeyna ka wadahadleen sidii qurba-joogtu ay kaalin muuqata kaga qaadan lahaayeen mashaariicda maalgashiga & horumarinta kaabayaasha adeega bulshada, sida waxbarashada, caafimaadka & dhiiragelinta ganacsiga.

“GalMudug waxeey cagta saartay waddadii horumarka, waxaan xoogga saareynaa sidii bulshada ku dhaqan GalMudug u heli lahaayeen xuquuqdooda aasaasiga ah oo ay ugu horreeyso waxbarashadda, caafimaadka & in la hormariyo adeegyada bulshada” Ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka GalMudug Cali Ciid.

“Waxaan aragnay nidaam si habsami leh u shaqeynaya, muddada koobban ee GalMudug ay jirtay & horumarka lixaadka leh ee ka muuqda hay’adaheeda dowliga ah waxaa la oran karaa waa dedaal nafti-hurnimo ah, waxaan kala hadalnay madaxdii hay’adaha & wasaaradaha ee aan la kulanay in Dalladda GEDAN tahay buundadii ku soo xireysay GalMudug qurba joogteeda ku kala firirsan dacalada dunidda” Ayuu yiri Xuseen Khadhiib, isaga oo uga mahadceliyay mas’uuliyiintii & madaxdii ku soo dhoweeysay goobihii uu booqday.

Guddoomiyaha wefdiga la socday waxaa ka mid ahaa Dr. Cabdikariin oo ah aqooyahan, GEDAN u qaabilsan La-talinta dhinaca maalgashiga.

Muddadii uu GalMudug joogo Guddoomiyaha ururada qurba-joogta Yurub wuxuu booqan doono deegaanno ka tirsan GalMudug.

“2dii cisho ee aan ku sugnaa Dusa-Mareeb wasaaradaha aan booqanay waxaa ka mid ah caafimaadka, ganacsiga, waxbarashada & xuquuqda haweenka” Ayuu yiri Xuseen Khadhiib, isaga oo u mahadceliyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye & Madaxweyne ku-xigeenka Cali Ciid oo si u soo dhoweeyay isaga & wefdigiisa.

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *